Kobciye Coop App
FinanceBusiness

Kobciye Coop App

kobciye · released 4 Jun 2026 · Open in App Store ↗

Revenue 30d not estimated
Downloads 30d not estimated
Rating 4.50 6 reviews

No in-app products collected for this app.

Rating
United Kingdom50%34.67
Canada17%13.00
Kenya17%15.00
United States17%15.00
United Arab Emirates<1%0
Afghanistan<1%0
Antigua And Barbuda<1%0
Anguilla<1%0
Albania<1%0
Armenia<1%0

The store shows a different set in every country

Description

Kobciye Coop App waa barnaamijka rasmiga ah ee Iskaashatada Kobciye, oo ah iskaashato Soomaaliyeed oo loo wada siman yahay, una adeegta dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Iskaashatada Kobciye waxaa la aasaasay bishii Juun 2016, iyadoo ujeeddadeedu tahay maalgelinta wax-soo-saarka, horumarinta dhaqaalaha, iyo kobcinta fursadaha maalgashi ee gayiga Soomaaliyeed.

Barnaamijkani wuxuu u sahlayaa xubnaha inay si fudud u helaan xogtooda, ula socdaan adeegyada iskaashatada, isla markaana uga faa’iidaystaan adeegyada maaliyadeed iyo kuwa maamulka ee Kobciye.

Waxyaabaha Aad Ku Qaban Karto App-ka

Daawashada xogta xubinnimada

La socodka lacag-bixinnada iyo koontooyinka

Helitaanka aqoonsiga xubinnimada (Member ID)

Daawashada mashaariicda iskaashatada

Gudbinta talooyin iyo cabashooyin (Feedback)

Helitaanka wararka iyo ogeysiisyada muhiimka ah

Ku Saabsan Iskaashatada Kobciye

Iskaashatada Kobciye waxay ku dhisan tahay qiyamka iyo mabaadi’da iskaashatooyinka caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Isxilqaannimo iyo xubinnimo u furan qof kasta.

Maamul dimuqraadi ah oo ay xubnuhu soo doortaan.

Ka qaybgal dhaqaale oo ay xubnuhu leeyihiin.

Madaxbannaani iyo is-maamul.

Waxbarasho, tababar iyo wacyigelin.

Iskaashi dhexmara iskaashatooyinka.

U adeegidda iyo horumarinta bulshada.

Kobciye Coop App wuxuu kuu keenayaa adeegyada iskaashatada si ammaan ah, hufan, oo casri ah, adigoo ka faa’iidaysanaya tiknoolajiyada casriga ah.